Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 957 views

Sheekh Shariif: “Afar sano kahor isbedelkii ay ku taamayeen Soomaalida ma dhicin balse bilcaksi ayuu noqday” + Video

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Dowladii KMG ahayd ayaa jeediyay khudbad aan caadi ahayn oo uu uga hadlay guud ahaan heerka uu maanta marayo marxaladda dalka, himiladii shacabka Soomaaliyeed filayeen inay dhacdo mudada afarta sano ah ee dalka ka dhalatay dowladda Federaalka isla markaana ka baxay xilligii KMG ahaa.

“Afar sano kahor isbedelkii ay ku taamayeen Soomaalida ma dhicin balse bilkacsi ayuu noqday” ayuu yiri Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo si gaar ah uga hadlay arrimaha amniga, horumarka dalka, siyaasadda iyo guud ahaan hoggaanka dowladnimada Soomaaliya inuu u baahan yahay in xooga la saaro sidii looga mira dhalin lahaa.

Shariif Sheekh Axmed ayaa si cad u sheegay in madaxda ugu sareysa dalka ay lunsadeen dhaqaalihii dalka, isagoona tilmaamay in ujeedkoodu yahay sidii ay mar kale ugu soo bixi lahaayeen doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Musuqmaasuqa doorashooyinka dalka waxaa la gaarsiiyay gobolada iyo tuulooyinka dalka, intaas waxaa dheer sida la isugu diray dadka” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dowladda Federaalka waxyaabaha ay ku fashilantay waxaa ka mid ah inaysan dhameystirin dastuurka dalka.

Khudbadda Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo shacabka Soomaaliyeed intooda badan ku taageersan yihiin sida uu u maamulay mudadii uu xilka hayay oo lagu ammaano inay ka wanaagsan tahay dowladda waqtigeedu dhammaaday.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50634

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj