Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 203 views

C/Weli Gaas iyo C/Kariin Guuleed oo heshiis ka gaaray arrinta Gaalkacyo

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ku kala saxiixday xarunta madaxtooyada Villa Somalia heshiis ku saabsan joojinta xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo.

Hishiiskan mar kale ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana si rasmi ah hishiiska u saxiixay madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed C/wali Max’ed Cali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed.

Munaasabada hishiiska lagu kala saxiixday waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ra’iisal wasaare Sharm’arke iyo wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Keating.

Marka la eego qodobada lagu hishiiyay waxaa ka mid ah in dib loo furo isu socodka magaalada Gaalkacyo iyo in ciidamo boolis isku dhaf ah la geeyo goobaha dagaalada ka dhaceen.

Ugu danbeyntii, waxaa kaloo labada dhinac ay isku afgarteen in bisha labaad ee sanadkaan la iskugu yimaado kulan looga hadlayo amaanka magaalada iyo waxa hishiisyadii la gaaray ka dhaqan galay.

Dhinaca kale madaxweyne ayaa hishiis kan oo kala ah ku kala saxiixday magaalada Gaalkacyo, hasse ahaatee waxaa hishiiskaasi ka danbeeyay shaqaaqo dhaxmartay labada dhinac oo ay dad ku dhinteen.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50645

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”