Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 270 views

Kuuriyada Waqooyi oo shaacisay ballaarinta quwadda Nukliyeerka

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in dalkiisa uu hada marayo heerkii ugu danbeeyey ee gabagaba horumarinta gantaalada isaga kala goosho qaaradaha.

Kim Jong Un ayaa hadalkan ka sheegay khudbad Telefishinka laga sii daayey Axaddii la soo dhaafay.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii dhammaaday tijaabiyey laba gantaal oo ah kuwa xambaara suntan niyukleerka, taasoo dhalisay qeyla dhaan ka timid caalam oo dhan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay hadalka hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee uu ku sheegay inuu gaba gabo u marayo sameysashada gantaalaha qaaradaha ka gudba.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50694

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj