Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 548 views

Oradyahan Mo Faarax oo ku guuleystay abaalmarinta sare ee ah Sir

Mo faarax oo bilaabay orodka isagoo 12 jir ah ayaa ku bixiyay dadaal badan taasoo sababtay inuu heer ka gaaro isagoo magac iyo maamuus ba u soo hooyay dadka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dhallinyarada.

Mo Faarax oo ku guuleestay billad sharafeedka ugu sareeya oo ay bixiso Boqortooyada Dalka Britain oo ah darajada “SIR” ayaa lagu maamuusay taaso farxad galisay dad badan oo Soomaali ah kuna abuurtay yididiile cusub dhallinyaro badan oo tiigsanaysa inay horumar ka gaaraan noocyada kala duwan ee Isboortiska ah.

Oradyahan Mo Farah oo lagu lammaanin doona magaciisa “Sir” ayaa noqon doona, “Sir Mo Farah” iyadoo ay tahay sharaf lagu sharfo dadka wax ku oolka ah ee wax ku soo kordhiya dunida.

Dhanka kale Sir Mo Faarax ayaa sheegay inuu garab siin doono oradiyahannada Soomaaliyeed isagoo ku kordhin doona khibradaha uu ka dhaxlay tababarradii kala duwanaa oo uu soo maray.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50709

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj