Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 785 views

Faahfaahin ku saabsan qaraxyada gilgilay Muqdisho + Sawirro

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa 2 Qarax oo loo adeegsaday Gawaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lagu weeraray meel u dhow xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane.

Afhayeenka Maamulka Gobolka C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay Qaraxyadan in ay ahaayeen kuwii ugu weynaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhimatay 5 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan iridka hore ee xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane.

Shabaabka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaraxyadaasi loo waday Hotelka Peace oo ku dhow xarunta Ciidanka AMISOM ee xalane, waxaana sidoo kale ay sheegeen in Qaraxyadan ay fuliyeen labo Naftood hurayaal ah, kana tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo waday labo Gaari oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50726

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj