Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 687 views

Wasiiro, Xildhibaano iyo ururrada bulshada oo Prof. Jawaari ka codsaday inuu isa soo sharaxo

Munaasabad si balaaaran loo soo agaasimay loogana tala galay in lagu soo bandhigo codsi ku aadan sidii uu Xildhibaan Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan Aadan {Jawaaari} isugu soo sharaxi lahaa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalda Muqdisho.

Munaasabadii xafladaasi oo aad loola dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsaan labada aqal ee Dawladda Federaalka, wakiilo matalayay dawlad goboleedyada Dalka, madax ka socotay ururada haweenka, dhaqanka, dhallinyarada, qurba joogta iyo marti sharaf aad u fara badan oo xafladaasi lagu casuumay.

Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, , Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gabale iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka Aamino Maxamed Mursal ayaa daboolka ka qaaday in ay Jawaari ka codsanayaan inuu isu soo taago jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxayna cadeeyeen inuu mudan yahay inuu xilkaasi ku soo baxo, iyagoo xusay in gabdhaha ku jira Baarlamaanka ay ka go’an tahay inay codkooda siiyaan.

Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta Da’da yar Maxamed Nuur Cali, Cabdi Caddow Axmed oo ku hadlayay magaca ururda bulshada, Shure Aadan Madoobe oo matalayay dhallinyarada ayaa iyaguna munaasabadaasi ka hadlay waxayna ku cel-celiyeen inay taageersan yihiin in Jawaari uu isu soo taago xilka lagu dhiiri galinayo, waxayna carabka ku dhufteen inuu u qalmo qabashada jagada loogu baaqayo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Eng, Saalax Sheikh Cusmaan oo khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay halkaasi ka soo jeediyay ayaaa ku nuux-nuuxsadey inuu soo dhaweynayo tallo soo jeedinta ka timid wakiilada ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan inuu Prof. Jawaari isa soo sharaxo, waxaana uu hoosta ka xariiqay inaan ruug cadaagaasi loogaa maarmin inuu mar kale hogaamiyo Golaha Shacabka, isagoo carabka ku adkeeyay inuu rajeynayo in Maxamed Shiikh uu arintaasi aqbali doono.

Munaasabadaasi oo aad u soo jiitay bulshadii ka soo qeyb gashay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka Badda Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy, Wasiiru dawlayaasha Arimaha dibadda iyo warfaafinta Dr. Khaalid Cai Cumar iyo Maxamuud Cabdi Xasan {Beekoos}, Xildhibaano ka socdey aqalka sare iyo aqalka hoose, mudanayaal ka yimid dawlad goboleedyada K/Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Kooxda fanaaninta Shambal ayaa munaasabadaasi ku soo bandhigtay suugaan aad u qiira badan, heesahaasi oo lagu qaadayay afafka May iyo Maxaa tiri ayaa ka tarjumayay sida ay dadka Soomaaliyeed u xiisaynayaan inuu isa soo sharaxo Prof .Jawaari, in dhawaalaba waxaa isa soo tarayay baaqyada loo jeedianayo maxamed sheikh ee looga dalbanayo inuu isa soo sharaxo.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50795

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”