Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 362 views

Xildhibaan Khadiijo oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee isku sharaxda Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka (Dhageyso)

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday inay tahay musharax u taagan xilka Guddoomiye K/xigeenka Golaha Baarlamaanka cusub.

“Waxaan rajeynayaa in marka aan hortago Xildhibaanada Baarlamaanka iga aqbali doonaan musharaxnimadeyda Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka, anigoo karti iyo aqoon u leh” ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xuldhibaanada oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee iyadu isku taagta musharaxnimada Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka ayaa sheegtay in lagu xisaabtamayo qoondada haweenka ee 30% ay xaq u leeyihiin inay ka mid noqoto guddoonka Golaha Baarlamaanka.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah haweenka Baarlamaanka kuwooda ugu firfircoon ayaa hoosta ka xariiqday in xilka ay isku taagtay uu ka culus yahay midkii ay horay u heysay, iyadoo musharaxadda horay u soo noqotay Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka isla markaana ka qeyb gashay shirar caalami ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50805

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj