Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 410 views

Waa iib codka Xildhibaanada Baarlamaanka 2017-2021-ka, hana u daymo la’aan waa fadlan lacag ku shubo!

Diyaar garow ayaa lagu jiraa, is abaabul ayaa meel walba ka muuqda, xilligii doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa soo dhawaatey, shirar iyo munaasabado lagu kala jiidanayo Xildhibaanada ayaa soconaya, tartan adag oo aan naxariis laheyn ayaa u bilowday musharaxiinta uu legdenku ka dhaxeeyo, dhafar siyaasadeed ayaa laga dareemayaa musharaxiintaasi, nasasho, hurdo iyo raaxo wey ka caagan yihiin, har iyo habeen waa soo jeedaan, halgan waxay ugu jiraan sidii ay u kasban lahaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka.
Suuqa kala iibsiga codadka Xildhibaanada ayaa kor u sii kacaya maalinba maalinta ka dambaysa, boqol {100,000} kun oo doolar ayaa lagu furey in la kala siisto halkii cod, Cirka ayuu mar kale isku sii shareeray suuqa kala iibsiga Xildhibaanada, haatan halkii cod waxaa lagu kala gadanayaa 150,000$ oo Doolar, hubaashii suuqa kala iibsiga waali {waalasho} ayuu ku socdaa, saacad walba sare ayuu u sii kacayaa, qiimo aan waligeed horey loo arkin ayaa la filayaa inuu gaaro codka Xildhibaanka wax dooranaya.
Xishood ma jiryo, Xildhibaan nadiif ah lama hayo, muuqaal ahaan Mudanayaashu waxay u ek yihiin wax lagu sheegay CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAAL, la yaab waxaa leh sida ay u dhaqmayaan, waxaa la soo helay Xildhibaano si kala gooni gooni ah ula kala qadeeyay Cumar Cabdi-rashiid, Farmaajo, Shiikh Shariif, C/raxmaan Cabdi-shakuur, C/dir Cosoble iyo Saciid Dani inay musharax walba u balan qaadeen inay isaga kaligiis codkooda siin doonaan, arintaan ayaa ka sii dartey marki isla Xildhibaanadaasi ay la casheeyeen Madaxweynaha xilka sii haya iyagoo laabta ugu qaboojiyay in isaga oo qura ay u codeyn doonaan.
Xog ururuin la sameeyay ayaa lagu ogaadey in Xildhibaanadu ay ka siman yihiin sidii ay u baaran lahaayeen jeebka Musharax walba oo doonaya inay u codeeyaan, waa la kala galaan-gal badan yahay Xildhibaanada qaarkood ayaa ku xisaabtamaya inay urursadaan lambar lacageed oo aan caadi aheyn, ku talagalka Xildhibaanda ayaa u muuqda sidii ay u furan lahaayen musharaxiinta la ordeysa boorsooyinka lacageed iyo kuwa sida xaqdarada ah ku helay dhaqaalaha.
Waa nasiib daro Xildhibaanadii loo hanweynaa inay noqdaan FADLAN LACAG KU SHUBO, Haddaba Xildhibaanadu ma ku saxan yihiin mise waa ku qaldan yihiin inay lacag ka dhacsadaan musharaxiinta ku waalatey mar uun Madaxweyne i dhaha? Fadlan nala wadaag fekerkaaga.

WQ: C/Laahi Xasan Axmed Shiiqaalow

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50919

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj