Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 904 views

Maamulka Jubaland oo kahor yimid qorshe ay dejisay Dowladda Federaalka (Dhageyso)

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaan Maamulka Jubbaland uu isaga baxay Qorshaha Qaranka oo ay dejisay Dowladda Federaalka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay arrintan in ay timid kadib markii sida uu sheegay maamulka Jubbaland ay ka caroodeen tirada dadka ku nool Degaanada Jubbaland oo lagu sheegay Hal Milyan iyo Bar, xilli uu sheegay in intaasi ka badan ay ku nool yihiin Degaanada Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay warqad ay ku cadeynayaan in ay ka baxeen Qorshaha Qaranka in ay u direen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Gobolka Jubbada Dhexe, Gobolka Jubbada Hoose iyo Gobolka Gedo in ay ku nool yihiin qiyaastii dad gaaraya Saddex Milyan oo ruux, laakiin qiyaasta Dowladda Federaalka ay sameysay in aanay aheyn mid xaqiiqda ku fadhiday.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50968

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj