Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 4,383 views

Farmaajo oo bixiyay Wareysi Gilgilay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland *daawo*

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Xiiso badan oo lala yeeshay Raysal wasaarihii Hore ee Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo oo hada ah Musharax u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa wuxuu siwayn uga hadlayaa Xaalada Soomaaliya, iyo Xukuumada Xasan sheekh Waxyaabaha ay ka gaabisay iyo Musuq-maasuqa oo uu sheegay inuu yahay Cudur lamid ah Xag-jirnimada, Dagaal beeleedyada ka dhacay Qaybo kamid ah Soomaaliya iyo Dib u Heshiisiinta.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu si gaar ah muhiimad wayn u siin doono maamulka Somaliland, Sidii Midnimada Soomaaliya dib loogu soo Celin lahaa, Wuxuuna Tusaale usoo qaatay Wadamada dariska ah ee Iyagoo Qowmiyado kala duwan ay Nool yihiin hadana ay wada Nool-yihiin.

Sidoo kale wuxuu si faah faahsan uga Hadlay Kulamadii uu Nairobi Kula yeeshay Xubno ka tirsan maamulka Somaliland, oo Gudoomiyaha Baarlamaanka C.raxmaan Cirro Hogaaminayey.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50984

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj