Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 461 views

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhaqaale ugu yaboohay abaaraha dalka ka jira

Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu yaboohay guddiga loo xil saaray abaaraha ka jira dalka 10,000 kun oo dollar oo lagu tala galay in lagu gargaaro dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadda ka mid ah Musharaxiinta gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in kaalintiisa uu ka qaato gurmadka, uuna rajeyno in deeqdaan la gaarsiin doono dadkii loogu talagalay.

Sidoo kale Idriis Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah Mushaxiinta Baarlamaanka ayaa bixiyay 1,000 Dollar oo loogu tala galay abaaraha.

Musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale mida Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga abaaraha dalka waxa ay la qaadan doonaan kulamo kala duwan oo ku aadan sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen gurmad loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51036

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj