Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 263 views

Taliyaha ciidamada Uganda oo markii ugu horeysay booqday magaalada Baraawe + Sawirro

Taliyaha ciidanka dalka Uganda Gen. Katumba Wamala oo dhowaanahan booqasho ku joogay dalka, ayaa waxaa uu kormeerey fadhiisanka ciidanka midowga Afrika AMIOSM  ay ku leeyihiin magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.

Booqashadiisa Baraawe, ayaa waxaa ku wehliyay saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidanka AMISOM Janaraal  Cismaan Nuur Subagle.

Janaraal Katumba Wamala, oo hadal u jeediyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanadaas ayaa waxaa uu ku booriyay in ay u diyaargaroobaan sidii ula wareeji lahaayeen mas’uuliyadda sugida amniga wadanka.

Waxaa uu intaa ku daray, in AMISOM ay isu diyaarineyaan sidii dalka looga saari lahaa isla markaana mas’uuliyadda amniga wadanka lagu wareejin doono ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa sidoo kale, waxaa ay la kulmeen maamulka degmada iyo waxgaradka Baraawe ayagoo ka xog wareystay xaalada degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Bishii October, sanadkii 2014 ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka xoreeyeen ciidanka xooga dalka iyo AMISOM magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51055

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”