Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 677 views

Xubnaha ku guuleystay aqalka sare ee ka soo jeeda beelaha Waqooyi (La soco magacyada iyo tirada)

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobalada Waqooyi ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana la doortay ilaa iyo Lix xildhibaan, Iyadoo Xubnaha la doortay ay ka mitahay Muno Cumar Xasan oo ka tirsanayd Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale xubnaha la doortay waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mudo badan ka soo tirsanaa xubnaha Baarlamaanka ee golaha shacabka.

Halkaan ka Akhriso xildhibaanada maanta la doortay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi cabdulaahi.
Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac.
Xildhibaan Mustaf Maxamed Qodax.
Xildhibaan Muna Cumar xasan.
Cabdikariin Maxamed Xasan
Iyo Cabdirisaaq Axmed Cali
Marka laga soo tago kuraasta maanta la doortay waxaa dhiman ilaa iyo shan kursi oo kale kuwaasi oo ay ku tartamayaan xubnaha ka soo jeeda gobalada Waqooyi waxaana lagu wadaa doorashadaasi inay dhacdo maalinta Isniinta ah oo ku beegan Beri.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51110

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj