Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 335 views

Baarlamaanka Galmudug oo Ku towfiiqay inay Xilka ka qaadayaan Madaxweyne C/Kariin Guuleed

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa Kulan ku leh Magaalada Cadaado, kaasi oo ay hadda u fadhiyaan Mooshinkii ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaankaasi.
Kulan ay leeyihiin Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad Xareed Cali Xareed,waxayna Wararku sheegayaan in Baarlamaanka ay Cod u qaadi doonaan Mooshinka Xilka qaadista ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Dhanka kale waxaa ka jirta in Magaalada Cadaado Xiisad ka dhalatay arrintaas,iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ay diideen in Baarlamaanku uu kulmo, halka kuwo Boolis ah ay ilaalinayaan Kulanka Xildhibaanadu ay leeyihiin, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhasho khilaaf sababa dagaal.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51182

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj