Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 307 views

Xiriirka Shataranjiga oo qalab isboorti guddoonsiiyay dugsiga Dhagaxtuur + Sawirro

Xaflad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta iskuulka Hoose, Dhexe ee Dhagax Tuur ayaa xiriirka cayaaraha Cheeska Soomaaliyeed waxaa uu qalab isboorti ku wareejiyay maamulka iskuulkaas, iyadoo qalabkaan uu yahay mid ardayda lagu bari doono ciyaaraha Cheeska oo markii ugu horeysay iskuulaadka dalka lagu bari doono ardayda.

Axmed Cabdi Xasan Wataac guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha shatartanjiga Soomaaliyeed oo goob joog ahaa xaflada ayaa sharaxay muhiimada maadadaan lagu soo kordhiyay iskuulka iyo sida ay muhiimka ugu tahay dhalinyarada iskuulaadka dhigata isagoo amaan u jeediyay xiriirka ciyaaraha cheeska aduunka oo qalabkaan soo gaarsiiyay.

“waxaan halkaa idinkaga cadeynayaa ciyaaraha cheeska ma ahan qamaar waxaa weeye muhiim waxaa ay dhisayaan kobcinayaan maskaxda ardayga, waxaan amaan u jeedinayaa iskuulka Dhagax tuur oo noqday dugsigii ugu horeeyay ee bilaabaya waxaana rajeynayaa in la bakaarin doono”ayuu yiri wataac.

Maamulaha iskuulka Dhagax tuur Heykal Abuukar Sheekh “Wagar” oo guddoomiyaha kala wareegay qalabka isboortis ee uu ku wareejiyay ayaa mahad naq ka dib waxaa uu sheegay in ardayda ay bari doonaan maadadaan.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan noqono iskuulkii ugu horeeyay ee bilaabaya barista ardayda ciyaaraha shataranjiga, waxaa ii jooga arday qaarkood horay u bartay ciyaarahaan heer ka gaaray hadana waan bilaabeynaa”ayuu yiri Wagar

Ugu dambeyntii maamulka iskuulka iyo ardayda ayaa sheegay inay ka faa’iideysanayaan ciyaarta shataranjiga, iyagoona uga mahad celiyay xiriirka Chess-ka Soomaaliya hadiyadda uu soo gaarsiiyay iyo sida uu u garab taagan yahay kordhinta garaadka iyo horumarka ardayda dugsigaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51187

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj