Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 251 views

Madaxweyne Museveni oo wiilkiisa ka dhigay la taliyaha gaarka ah ee madaxtooyada

Yoweri Museveni Madaxweynaha dalka Ugandha ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, isagoo ka dhigay lataliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, ka dib isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada.
Mr. Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare ugu dhex dalacay ciidamada militariga dhexdooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Warar ayaa sheegaya in wiilkaasi loo diyaarinaayo inuu qabto xilka madaxweynaha ee Ugandha kadib marka aabihiisa uu ka dego jagada madaxtinimada dalka Uganda.
Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo dhiibay ee ah inuu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa, iyadoo Museveni ay hada da’diisu tahay 72 sano jir, isagoo ka mid ah madaxweynayaasha Afrika ee muddada dheer maamulka haya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51201

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj