Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 373 views

C/Kariin Guuleed oo socdaal degdeg ah ku tegay magaalada Cadaado

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa shalay waxa ay sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug, kadib markii ay ogolaadeen in xilka laga qaado 54 xildhibaan, inkastoo Madaxweynaha xilka qaadistaasi uu ka soo horjeestay.
Dhinaca kale 9-kii Bishan Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay Degaanada Mamaulkiisa, si loo soo celiyo amniga iyo arrimaha siyaasada.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51228

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj