Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 396 views

DEGDEG: Doon waday ku dhawaad 600 oo neef una socotay dalka Cumaan oo gadoontay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inay qalibantay dooni xoolo u siday dalka Cumaan, iyadoo laga deyrinayo nolosha xoolo tiradoodu gaareyso 600-neef.

Saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland oo warkaan xaqiijiyay ayaa sheegaya in doontu ay ku gadoontay xeebaha dalka Cumaan kaddib markii sida la sheegay ay ku dhufteen duufaano xoogan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in doonta ay u rarneyd ganacsato Somaliland, kuwaasi oo iyagu xoolo u dhoofiya dalalka Khaliijka.

Dhinaca kale ciidamada Badda Dowladda Cumaan ayaa bilaabay gurmad ay ku samatabixinayaan shaqaalihii iyo wixii ka haray xoolihii saarnaa doontaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51230

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj