Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 556 views

Hub & saanad laga qabsaday kooxda Daacish oo lagu soo bandhigay degmada Qandalla + Sawirro

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay kormeeray ciidamada maamulkiisa ee ka howlgallada ka fuliyey degmada Qandala ayaa booqday goroonka dayaaradaha ee magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga badda ee degmada Qandala.

Gaas waxaa ku wehlinayey kormeerka masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland iyo masuuliyiin ka mid ah Madaxtooyada maamulkaas.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa salaan ka qaatay ciidanka difaaca xeebalayda Qandala, waxaana uu madaxweynuhu ciidamada ku amaanay sida dhiiran ee ay ugu heelan yihiin inay dalkooda ka difaacaan cadawga, isla markaana waxa uu si gaara ugu hambalyeeyey guushii balaarnayd ee ay ka gaareen kooxda daacish ee mudada kooban heysatay degmada taariikhiga ah ee Qandalla.

Wafdigan ayaa kormeeray garoonka dayuuradaha magaalada Qandala oo ay ugu dambaysey goor la isticmaalo xiligii dowladda dhexe Soomaaliya, geesta kale Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa kormeeray khooriga qandala oo isna aan sidaa uga fogeyn magaalada.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in magaalada Qandala ay tahay magaalo ganacsi islamarkaana ah ay ku duugan tahay taarikh badan oo ay Soomaaliya leedahay, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dhibaatada ay gaarsiiyeen Degmada kooxihii mudada heystay, waxaana uu tilmaamay inay burbur hantiyeed u geysteen xarumihii hayaddaha Dawladda isla markaana ay bililiqaysteen hanti badan oo ay leeyihiin shacabka degan magaalada Qandala sida uu yiri.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51232

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj