Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 434 views

Madaxda Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya oo ka hadlay muhiimadda qadka tareenka cusub + Video

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa labadaba waxay siyaabo kala duwan u sharxeen muhiimadda uu labada dal u leeyahay qadka tareenka cusub ee isaga gooshaya labada dal.

Xog wareysi ay idaacadda VOA-da la yeelatay madaxda dal oo ka qeyb galay furitaanka qadka cusub ee Tareenka ayaa Madaxweynaha Jabuuti waxa uu sheegay in labada dowladood ee deriska ah uu ka dhaxeeyo qoto dheer.

“300,000 Qof ayuu maalintii qaadayaa tareenka cusub, wuxuuna tareenka u leeyahay labada dal faa’iidooyin aan la qiyaasi karin” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Jabuuti oo sheegay in tareenkaani uu yahay mid aad u dheereeya.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa isna dhinaciisa ka hadlay tareenka cusub ee labada dal ka howlgelaya, wuxuuna sheegay in shucuubta Jabuutiyaanka iyo Itoobiyaanka ah ay isku dhex milmeen isla markaana aan la kala saari karin.

“Mashruucaan waa marin habowlaheena dhiiga qaada oo kale, sababtuna waxay tahay Jabuuti waa marin ay Itoobiya wax u soo maraan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in mashruucaan uu yahay ubad labada dal u wada dhashay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51243

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj