Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 445 views

Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda ku wargelisay inaysan u Sarfrin Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in halis Ammaan daro ay ka jirto Gudaha Wadanka Soomaaliya islamarkaana uga Digtay dadka Haysta Dhalashadeeda inaysan u Safrin Soomaaliya oo ay ku jiraan Degaanada Puntland iyo Somaliland,
War qoraal oo ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinteeda aysan heli karin caawimaad maadaama safaarad rasmi ah oo Maraykanku leeyahay ku oolin gudaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51257

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj