Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 631 views

TACSI MARXUUM Sheekh Dahir Sheekh Saciid Al- Alhatimi

Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Diplomasiyinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan ugu dirayaa qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Sheekh Dahir Sheekh Saciid Al- Alhatimi oo ahaa Ganacsade caan ka ahaa dalka Kanya iyo guud ahaan geeska Africa islamarkaasina ka soo jeeda Qowmiyada Barawaaniga, Allaha u naxariisto janadii fardowsa Allaha ka waraabiyo.

Marxuum Sheikh Tahir Sheikh Said Al- Alhatimi wuxuu ahaa qof aad iyo aad u qeymo badan Soomaalinimadda jeceel waxaa ka tagay shaqsi lagu tilmaami karo waayo arag, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa shaqsi waddani ah oo Soomaalinimadu ay aad ugu weyn tahay, waxuuna sidoo kale ahaa shaqsi ku dayasho mudan oo ixtiraamka bani’aadanka uu can ku ahaa.

Allaha u naxariisto Marxuum Sheikh Tahir Sheikh Said Al- Alhatimi waxuu ku geeriyooday dalka Kanya gaar ahaan Magalaada Mambassa 13tii January 2017, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=51471

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj