Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 2,580 views

Guddoomiyaha aqalka sare oo jeediyay khudbad dhiiga kicisay Soomaalida + Video

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaashi oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ay ka qeyb galeen Soomaali iyo ajaanib ayaa ka hadlay arrimaha qabiilka iyo dhibaatada Soomaalida ka heysata dhismaha qaranimadeeda.

“Marka aabe laga hadlayo Isaaq baan ahay Dir, waxaan tegayaa Habar Awal, wuu soconayaa ilaa aan ka tago bahda aabahey” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi oo sheegay in xaaskiisu tahay hawiye, ilaa uu ka tirsado bahda saddexaad ee xaaskiisa ka soo jeedo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si cad u sheegay inaysan Soomaalida u baahneyn nidaamka Federaalka oo uu sheegay inaysan sidoo kale u baahneyn faragelin shisheeye.

“Uma baahnin Federaal iyo in la inoo yeeriyo” ayuu yiri Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo sheegay inay u baahan yihiin Soomaalida madax bannaani ay howlahooda ku fushadaan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=52767

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj