Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 855 views

ABWAAN SUGAAL: “Waxaad maanta bi’isaan berri ha u shallaayina” (Digniin)

Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar oo ka mid ah maansayahanada ugu magaca dheer bahda fanka Soomaaliyeed ayaa goor dhow soo saaray Gabay qiiro wadaniyadeed leh, kaasi oo uu ku sheegay murtidiisa xaaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo, waxa soo socda iyo digniin uu u jeediyay Soomaalida.

Waxaa kale oo Abwaan Sugaal Cabdulle tixdiisa gabayga ah ku sheegay in aqoonyahanada, siyaasiyiinta, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo dhammaanba u dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada dalka.

Abwaanka ayaa ka digay gumeysiga dalka uga digay Soomaalida, isagoona sheegay in waxa ay maanta bi’iyaan aanay berri u shallaayin, waxaana tuducda gabayga ka mid ah in haddii aanay Soomaalidu ku baraarugin dhibaatada heysata Baasabooro lagu gelayo gobolada dalka, taasi oo muujineysa in midnimo la’aan dhab ah jireyso.

Halkaan ka daawo gabayga oo dhameystiran:-

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=52952

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj