Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 477 views

Wiil wejigiisa u ekeysiiyey hogaamiye caan ka ah dunida oo xabsiga la dhigay

Wiil Hitler isu ekeysiiyey ayaa lagu xiray dalka Austria ka dib markii lagu eedeeyey inuu maamuusayo Nazigii Jarmalka.

Waa Wiil 25 jir ah oo la baxay magaca Herald Hitller isagoo sidii Hitler timaha u shanlaystay, shaarubahana u jartay.

Booliska ayaa sheegay in wiilkan lagu arkay isagoo sawirro ku galay gurigii uu Hitler ku dhashay oo ku yaalla magaaalda Braunau am Inn.

Wiilkan Hitler u eg ayaa dhawaan u soo wareegay magaaladan ku taala xadka Jarmalka sida uu sheegay David Furtner oo ah afhayeenka booliiska.

David Furtner ayaa sheegay in arrintan aysan kaftan ahayn, oo aysan sidoo kale ahayn farshaxan la soo bandhigayay, isagoo intaas ku daray in wiilka dhallinyarada ah uu si fiican u garanayo falka uu ku kacay.

Maamusidda wakhtigii Naziga ayaa dambi ka ah dalka Austria iyo wadamo kale oo ku yaalla qaarada Yurub, waana taas sababta uu wiilkan xariga u muteystay.

Sanadkii hore ayay aheyd markii xukuumadda Austria go’aansatay in ay dumiso gurigii uu ku dhashay Hitler, si uusan u noqonin meel ay ku soo hirtaan dadka taageersan wakhtigii Nazi-ga.

Hitler ayaa ku dhashay gurigan qaybtiisa sare 20-04 -1889, iyadoo wakhtigiisiina loo badalay goob lagu maamuuso Hitler ka dib markii ay magaaladaasi ku soo qulquleen dad dalxiiseyaal ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=53671

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj