Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,064 views

Xoghayihii Guud ee Hore ee QM Butrus Butrus Qaali Oo ifka geeri ku baneeyay.

Butrus Butrus Qaali ayaa ahaa Xoghayihii Guud ee QM ee ugu horreeyey ee ka soo jeeda Qaaradda Afrika ee xilkaasi qabta, wuxuuna xilkaasi hayey bishii January 1992-kii ilaa bishii December ee sannadkii 1996-dii.
Mr. Butrus Butrus Qaali wuxuu Cilmiga Qaanuunka Caalamiga kaga qalin jebiyey Jaamacaddaha Qaahira sannadkii 1946-dii iyo Jaamacadda Paris sannadkii 1949-kii, wuxuu Bare Cilmiga Qaanuunka Caalamiga ka soo noqday Jamaacdo ku yaalla Maraykanka, Europe, Qaahir iyo dal Afrikaa ah.
Sannadkii 1977-kii wuxuu ahaa R/wasaare ku xigeenkii Masar, xilligii Madaxweynihii la dilay Maxamed Anwar Al-saadaat,wuxuuna xilkaasi iska casilay markii uu Al-saadaat booqday magaalladda Quddus-ta La-haysto.
Dhanka kale warbaahinta dalka Masar ayaa maanta shaacisay geerridii Butrus Qaali oo 91-jir.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=53700

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj