Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 317 views

Ciidamada Dowladda iyo ku sii siqaya Degmada Xaradheere iyo Barkac halkaasi ka bilowday.

Wararka naga soo gaaraya degmada X/dheerer ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dadku ay bilaabeen inay barakacaan kadib markii ay ku dhaawaadeen ciiddamada huwanta oo wada howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Dadka reer Xarar dheere ayaa sheegaya in cabsi ay ka qabaan dagaal ka dhaca degmadaasi xilli ciidamada dowaladda iyo kuwa Galmudug ay ku sii dhawaanayaan Xarardheere.
Barakac xooggan ayay wararku sheegayaan inuu ka bilawaday degmada xarardheere waxaana dadku ka foganayaan waxyeela ka soo gaarta dagal dhaxmara Al-Shabaab iyo ciddamada Dowladda.
Dhanka kale Degmada xarardheere ee gobolka mudug waxaa 9-kii ee ugu danbeeyey gacanta ku hayey Al-Shabaab waana magaalo ay ku xoogan yihiin Shabaabka, iyadoo ciiddamada dowladda kuwa Galmudug oo ay taageerayaan ciiddamo cadaan iyo diyaarado dagaal ay doonayaan inay Shabaab ka saaraan degmadaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=53756

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj