Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 216 views

Qarax ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne

Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo nuuciisa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad barkoontarool u taallay meel dulleedka ka ah magaalada Beledwyene.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday, 4 Qof oo ka tirsan Maleeshiyadii Isbaarada u taallay ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka oo goobta gaaray.

Sidoo kale Dad tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in ay arkeen dhaawaca Afar ruux oo lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo halkaa barkootarool u taalay.

Qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo Gabarlaawe ee duleedka magaalada ayaa si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha Beledweyne.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=53765

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj