Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 848 views

U MACIINA MACALINKEENA ILLAAHAY HA IDIIN MACIINEE.

Macalin Muxdiin Maxamed, oo inta badan ay ardaydu reer Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Waaberi, Wadajir, iyo Xamar Weyne ay si aad ah u garanayaan ayaa ka mid ahaa macalimiintii ka tirsanaa iskuulaadka Muqdisho xiliyaddii danbe gaar ahaan iskooladii kala ahaa, Tadaamun oo ku yaallay degmada wadajir, Abii Xaniifa Waaberi, Wiil Waal Degmada Xamar Weyne.

Macalinkan oo ay ardaydu u garanayaan Macalin Moorgan ayaa haatan waxa uu ku jiraa xaalad daruuf daran taasoo ku qasabtay inuu laamiga la fadhiisto alaab yar yar sida cirbad & dun IWM oo ganacsi ahaan uu macaash ka raadiyo.
Macalinkan oo aan ka damqaday xaalada uu ku sugan yahay maadaama uu ka mid ahaa barayaashii ugu qiimaha badnaa ee sida aad ka ah ardayda ugu hagar bixijiray, ayaa waxaan fakaray inaan la wadaago asxaabteyda laga yaabo in iyagana ay u damqadaan si cidii wax u awoodda ay marxalladan ka badasho.

Macalin Muxdiin ayaa Degmadda Xamar Weyne gaar ahaan aga gaarka Via Roma ayaan ku arkay markii igu horeeysay, runtii si aad ah ayaan uga naxay macalin sharaf weyn lahaa oo arday badan wax soo baray & daruufta meesha ay dhigtay iyo sida ay xaladiisu aheyd.

Hadaba dhamaan ardaydii Reer Muqdisho & kuwa dibadaha hada ku nool ee wax uu soo baray ama taqaanay, waxaan ka codsanayaa in aad soo caawisaan.

Fdlan aan si wada jir u Caawino Macalinka, waa ustaad qaali ah runtii ay daruufi meesha dhigtay.
Kala xiriir taleefan number +252617532253

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=53772

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj