Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,310 views

Feysal Cali Waraabe oo hadal lama filaan ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday Hargeysa + Video

Eng. Feysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga mucaarad UCID oo ka mid ahaa madaxda ka qeyb galeysa munaasabad loogu dabaal degayay 20-ka Febraayo maalinta dhallinyarada Somaliland ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad lama filaan ah.

Waxa uu ka hadlay Guddoomiyaha UCID heerka ay maanta taagan yihiin dhallinyarada Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid aad u hooseeya isla markaana ay heystaan duruufo qalafsan.

“Dhallinyaradeenu waxay dhihi jireen Siyaad Barre ha dhaco, maantana waxay leeyihiin Farmaajo ha noolaado yaa heerkaas gaarsiiyay?” ayuu isweydiiyay Eng. Feysal Cali Waraabe oo sheegay in dhallinyarada Somaliland aanay heysan waxbarasho, isla markaana gobolada qaarkood aanu jirin nidaam dowli ah.

Dhinaca kale Guddoomiye Feysal ayaa hoosta ka xariiqay in xisbigooda haddii uu ku guuleysto talada Somaliland uu u sido howlo fara badan isla markaana shacabka uu ugu bishaareynayo.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=54155

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj