Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 719 views

Cabdiraxmaan Cirro: “Dagaalka hareeraheena ka socda ma aha in naloo soo dhoofiyo” + Video

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Xaaji Maxamed Cirro ayaa si kulul uga hadlay heshiiska xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la gashay dowladda Imaaraadka Carabta inay saldhig milateri ka sameysato dekedda Berbera.

C/raxmaan Cirro ayaa ka dalbaday xukuumadda Somaliland inay golaha Wakiilada soo hor dhigto dokumentiga heshiiska oo rasmi ah, isagoona meesha ka saaray qoraalkii ay horay u geysay Baarlamaanka inuusan ahayn heshiis.

“Dagaalka hareeraheena ka socda ma aha in naloo soo dhoofiyo” ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo khudbad ka jeedinayay xaflad uu soo qabanqaabiyay ururka dhallinyarada Somaliland, isagoona hoosta ka xariiqay in meel ka dhac iyo xadgudub dhinaca sharciga lagula kacay xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=54308

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj