Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,115 views

Dabka qasaaraha hantiyeed u geystay suuqa Bakaaraha oo la ogaaday sababtii ka dambeysay iyo awaamiir la soo rogay + Video

Dabka ka kacay suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo kaddib markii gurmad degdeg ah ay sameeyeen shacabka Muqdisho, maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsatada suuqasi ayaa la shaaciyay sababtii ka dambeysay.

Baaxadda qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuqa Bakaaraha xalay fiidkii ayaa la sheegayaa inay sababeen kaddib ay suuragal noqon weysay in gurmad degdeg ah lala gaaro sidii lagu bakhtiin lahaa dabkaasi.

Madax iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka Dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir oo tegay goobaha uu dabku ka kacay ayaa ka hadlay baaxadda qasaaraha dabkaasi, iyagoona sheegay in tallaabo degdeg ah loo qaadayo sidii gebi ahaanba dib loogu habeyn lahaa waddooyinka gala suuqaasi.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Jan. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka mid ahaa saraakiishii booqatay suuqa bakaaraha ayaa sheegay in gurmadkii loo fidin lahaa daminta dabkaasi ay waayeen waddooyin ay ku gaaraan goobaha gubanaya.

“Waxaa dib loo habeynayaa dhammaanba waddooyinka gala suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Jan. Xaamud oo sheegay in suuqa uu ka jiro ciriiri aad u daran isla markaana lagu ganacsanayo waddooyinka dhex bartamahooda.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka mid ahaa madaxdii booqatay suuqa Bakaaraha ayaa uga mahad celiyay ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkii ay ka geysteen sidii loo damin lahaa dabka ka kacay suuqaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=54529

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj