Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 572 views

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo khudbad dhinacyo badan ka jeediyay Baarlamaanka + Video

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay khudbad u jeediyay Xildhibaanada labada aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka, wuxuuna ka hadlay sida xukuumadiisu u wajaheyso howlaha horyaala.

Ugu horeyntii waxa uu ka hadlay Ra’iisal Wasaare Kheyre abaaraha dalka ka jira, isagoona sheegay in xukuumadda uu soo dhisayo ay xoojineyso gurmad dadka ay abaaraha ku habsadeen.

Ra’iisal Wasaaraha mar uu ka hadlayay wada shaqeynta xukuumadiisu la yeelaneyso Baarlamaanka Federaalka ah ayuu sheegay inay mar kastaba hor tageyso fadhiyada Golaha, isla markaana uu jirayo isla xisaabtan dhab ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=54709

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj