Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 908 views

Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada oo dhaawac culus loogu geystay Hargeysa + Video

Mid ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa jir dil xoogan loogu geystay xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, iyadoo dhaawacyo culus ay ka gaareen qeybo ka tirsan jirkiisa.

Xildhibaan Xasan Cawaale Ceynaan oo laga soo doorto gobolka Gebiley isla markaana ka tirsan xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in xilli uu ku sugnaa gudaha xarunta madaxtooyada, isagoona sheegay in falka lagu dhibaateeyay uu ka dambeeyo Taliyaha madaxtooyada iyo ciidamo uu wato.

Xildhibaanka oo iminka xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ay kala daaleen feer iyo dharbaaxyo darandoori ah, isagoona hoosta ka xariiqay in xukuumadda iyo Golayaasha wakiilada Somaliland ay tallaabo ka qaadaan ciidamadii jir dilka u geystay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=54892

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj