Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,158 views

Maamulaha Hotel ay Al-Shabaab la beegsatay mowjado qaraxyo is miidaamin ah oo farriin u diray shacabka Muqdisho + Video

Mid ka mid ah hoteelada ugu waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa ka soo kabtay mowjado qaraxyo is miidaamin ah oo ay la beegsadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100-ruux.

Munaasabad dib loogu furayay Hotelka Siyaad oo ku yaala wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho kana horjeeda xaruta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aan badneyn oo lagu casuumay.

Axmed Maxamed Sheekh oo ah maamulaha guud ee Hotelka Siyaad ayaa ka warbixiyay xaaladda Hotelka oo uu sheegay inuu ka soo kabtay qaraxyo lala eegtay, isagoona sheegay in Hotelka lagu sameeyay dib u dhis isla markaana lagu soo kordhiyay adeegyo cusub.

“Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa in Hotelka Siyaad uu u qabanayo adeegyadii ay uga barteen, gaar ahaan macaamiishii hore iyo kuwa cusub in loo sameynayo soo dhoweyn heer sare ah” ayuu yiri maamule Axmed Maxamed Sheekh.

Dhinaca kale hadalka maamulaha Hotel Siyaad ayaa ku soo beegmaya xilli in ka badan 10-Hotel oo ku yaala magaalada Muqdisho ay Al-Shabaab ku qaadeen weeraro loo adeegsaday qarax is miidaamin, kuwaasi oo qaarkood dib u dayactir lagu sameeyay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=55079

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj