Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 478 views

Mid ka mid ah maraakiibta waaweyn ee Mareykanka oo bariga dhexe u shiraacday

Magaalada Clifornia waxaa ka ambabaxay mid ka mid ah maraakiibta ugu waaweyn dalka Mareykanka ee iyagu qaada xamuulka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada oo isugu jira diyaarado kala duwan, gawaari iyo saanado kale.

Markabkaan oo lagu magacaabo George H W Bush CVN 77 ka shiraacday xeebaha magaalada Clifornia, inkasta oo saraakiisha ciidamada Mareykanka ay sheegeen inuu ku wajahan yahay mid ka mid ah dalalka bariga dhexe.

Qalabka milateri ee saaran markabka ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin diyaaradaha casriga ah oo ka kooban in ka badan shan nooc oo ah kuwa ciidamada u isticmaalaan dagaalka iyo saldhigyada ay ku leeyihiin dalalka bariga dhexe.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=55107

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj