Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 265 views

Arsenal oo ku hartay wareegga 16aad ee tartanka Champions League kaddib markii xalay cir iyo dhul laga qariyay + Sawirro

Xalay waxaa ciyaaro xiiso leh dhex martay kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich tartanka ciyaaraha Yurub ee Champions League, iyadoo labada koox ay soo bandhigeen ciyaaro soo jiitay daawadayaal fara badan oo buux dhaafiyay garoonka.

Kooxda Arsenal ayaa gool ku hor martay, kaddib markii ciyaaryahanka Theo Walcott daqiiqadii 20-aad uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay.

Ciyaarta ayaa xiiso gooni ah yeelatay markii ciyaaryahanka Robert Lewandowski oo u ciyaara kooxda Bayern Munich ee Jarmalka ka dhisan uu dhaliyay gooliyay goolkii barbaraha.

Kooxda Arsenal oo inta badan laga watay kubadda ayaa daqiiqadii 78-aad waxaa goolkii labaad ka dhaliyay ciyaaryahanka Douglas Costa.

Daqiiqadii 80aad waxaa goolkii saddexaad u saxiixay kooxda Bayeren Munich Arturo Vidal, halka daqiiqadii 85-aad isla laacibkaan uu shabaqa ku hubsaday.

Ciyaartii xalay ayaa ku soo gabagabowday 5-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Bayeren Munich, waxayna taageerayaasha kooxda Arsenal sameeyeen dibaxyo ay ku diidan yihiin tababaraha kooxdaasi Arsene Wenger oo ay sheegeen in la bedelo gebi ahaantiisba.

SPT_GCK_070317_Football Arsenal v Bayern Munich Champions league. Picture Graham Chadwick.
red card for Laurent Koscielny

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=55279

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj