Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 574 views

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo soo saaray awaamiir cusub + Video

Xarunta Wasaaradda Gaashaan dhigga Dowladda Federaalka waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha, saraakiisha iyo talisyada kala duwan ee ciidamada kaasi oo looga hadlayay xoojinta amaanka iyo dib u habeynta ciidamada Milateriga.

Taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jan. Maxamed Aadan Axmed ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga warbixinayay howlaha ciidamada ayaa soo saaray awaamiir cusub.

Waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada Milateriga iyo saraakiishooda aanay noqon karin ilaalada madaxda Dowladda, isagoona sheegay in ciidamada Milateriga oo ogol yahay xarumaha madaxtooyada oo kaliya.

“Gaadiidka Milateriga ee magaalada dhex wareegaya micno la’aan waxaanu u sameynay ciidamo gaar ah oo soo qabanaya” ayuu yiri Jan. Maxamed Aadan Axmed oo sheegay inay dib u soo nooleeyeen guddiga nabadgelyada iyo ciidamo gaar ah.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa uga digay ciidamada Milateriga inay ilaalo ka noqdaan hoteelada Muqdisho, isagoona sheegay in howlahaasi loo ogol yahay oo kaliya hay’ado madax bannaan oo nabadgelyada ka shaqeeya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=55301

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj