Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 297 views

Barcelona oo cashar lama ilaawaan ah ka dhigtay horyaalka qaaradda Yurub + Sawirro

Barcelona ayaa taariikh cusub oo lama ilaawaan ah ka dhigtay tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay ka soo kabsatay natiijo aan waligeed koox Yurub ahi ka soo kabsan. Barcelona ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub waxayna noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee ka soo kabsatay natiijo 4:0 ah oo loogo soo badiyay kulankii lugta hore waxayna sidoo kale kaga sii dartay in iyada oo gool marti ah laga dhaliyay ay dhinaca kale u dhigtay natiijo aanu qofna rumaysan karin in ay dhacayso.

Barcelona ayaa ayaa ciyaarta oo ay ilbidhiqisiyo ka hadhsan yihiin dibada ka joogtay Champions leaque-ga laakiin waqti isha biligteeda ah ayay PSG ku noqotay kooxda banaanka ka joogta Champions Leaque-ga ee sidaa kaga hadhay kadib markii ay Barcelona 6:1 ku xasuuqday kooxda ree France.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA(3-4-3): Ter Stegen; Pique, Mascherano, Umtiti; Rafinha, Busquets, Iniesta, Rakitic; Messi, Suarez, Neymar.

KAYDKA: Arda, Cillessen, Alcacer, Alba, Digne, Sergi Roberto, Andre Gomes.

PSG: (4-3-3): Trapp; Meunier, Thiago Silva, Marquinhos, Kurzawa; Rabiot, Verratti, Matuidi; Lucas Moura, Cavani, Draxler.

KAYDKA: Kimpembe, Krychowiak, Pastore, Di Maria, Areola, Aurier, Ben Arfa.

Barcelona oo looga baahnaa in ay kulankan mucjiso samayso si ay ugu soo baxdo sideed dhamaadka Champions Leaque-ga ayaa qaab ciyaareed waali ah ku bilaabtay waxayna qaybtii hore ee ciyaarta ahayd kooxda wax kasta garoonka ka samaysay. PSG oo maanka ku haysay muhiimada uu kulankani u leeyahay mustaqbalkeeda ayaa si adag difaac ugu jirtay waxayna doonayeen in ay goolal ku raadiyeen weerar deg deg ah oo Cavani loo tuuro.

DAQIIQADII 3 AAD GOOOOOOOOOOL!! Luis Alberto Suárez ayaan PSG siin daqiiqado ay ku fikiraan wuxuuna markiiba ka dhaliyay goolka rajada Barcelona soo nooleeyay ee ay dardarta waalida ah ka qaaday waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Barcelona isla markiiba hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Xaalada Camp Nou ayaa noqotay mid waali ah oo waxayna jamaahiirta Barcelona bilaabeen in ay riyoodaan.

Ciyaarta ayaa noqotay Barcelona oo weerar ah iyo PSG oo difaac si buuxa u xidhatay waxayna kooxda Luis Enrique u muuqatay kuwo ku ciyaarayay heerkoodii ugu fiicnaa iyaga oo PSG u diiday in ay wax fursado ah heli karto isla markaana waxayba ka dhaariyeen in ay kubbada isku dhiiban karaan.

DAQIIQADII 40 AAD GOOOOOOOOOL!! Barcelona ayaa dadaal badan oo qayri caadi ah kadib heshay goolkeeda labaad kadib markii Andres Iniesta kubbad cidhib ah ku sameeyay fursada uu difaaca PSG ee Layvin Kurzawa uu sida qaladka ah goolkan iskaga dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Barcelona ku soo yaraysay farqigii goolashii lagu lahaa kulankii lugtii kowaad.

Wax kasta oo ay Barcelona samasyay waxay iyo qaab kasta oo ay cadaadiska u saartay PSG waxay awoodi wayday in ay wax gool kale ah la timaado 45 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay taas oo keentay in ciyaarta lagu kala nasto 2:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ugu haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona sii laba jibaartay dadaalkii ay ku doonaysay in ay riyadii Camp Nou ku rumayso waxayna markale culayska saartay PSG oo wali sii doonaysay in ay natiijadii Paris sii difaacato si ay xaalada ugu sii adkayso Barcelona.

DAQIIQADII 48 AAD REKOODHE!!! Neymar Jr ayaa kubbad cajiib ah ka helay Iniesta laakiin intii uu sii dhex socday xerada ganaaxa PSG waxaa ku sida Rugby-da iskugu soo tuuray Meunier laakiin garsooraha ayaa markii hore sheegay in ayna rekoodhe ahayn balse caawiyaha shanaad ee birta goolka ilaalinayay ayaa tilmaamay in ay rekoodhe tahay.

DAQIIQADII 50 AAD GOOOOOOOOOL!! Lionel Andrés Messi ayaa si qurux badan u dhamaystiray darbada rekoodhaha ay kooxdiisu ku guulaysatay si uu markale u soo yareeyo farqiga goolasha looga baahnaa kulankan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay laakiin kooxda Luis Enrique ayaa wali looga baahnaa hal gool oo kale si ay uu barbarayso natiijadii Paris.

DAQIIQADII 55 AAD Unai Emery ayaa arkay kooxdiisa oo luminaysa kulankan iyo waliba natiijadii ay awooda sare ku lahaayeen wuxuuna kaydka uga yeedhay Angel Di Maria isaga oo ciyaarta ka saaray Lucas Moura waxayna PSG markan la soo baxday qaab ciyaareed cusub oo weerar deg deg ah ay ku raadinaysay goolkii ay Barca niyada kaga xumayn lahayd.

DAQIIQADII 62 AAD GOOOOOOOOOOL!!! PSG ayaa heshay goolkii ay ubaahnayd si ay Barcelona dub ugu celiso hawl badan oo ay soo qabay waxaana gool qurux badan u saxiixay Edinson Roberto Cavani kaas oo Ter Stegen u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo wuxuuna goolkan noqday mid neefta dib ugu celiyay Camp Nou iyada oo ciyaartu noqotay 3:1 ay wali Barcelona hogaanka ku hayso balse ay natiijada guud ku hadhsan tahay.

DAQIIQADII 65 AAD Enrique ayaa ciyaarta ka saaray Andrés Iniesta wuxuuna kaydka uga yeedhay Arda Turan waxayna markan Barcelona u muuqatay mid niyadii fiicnayd ee soo laabasho ay ka jabtay laakiin wali waxay sii waday in ay raadiso goolasha looga baahnaa.

DAQIIQADII 85 AAD Di Maria ayaa kubbad kula soo baxay goolka Barcelona wuxuuna haystay fursada uu ciyarta hurdada ugu diri karayay laakiin si aan la rumaysan karin ayuu darbadiisa birta u agmariyay waxayna ahayd fursad aan la rumaysan karin oo gool cadaan ah loo fishay.

DAQIIQADII 87 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Neymar JR ayaa kooxdiisa Barcelona u dhaliyay gool cajiib ah oo uu ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahaa isaga oo laakiin goolkan ayaa markale ciyaarta ka dhigay mid waali ah oo gashay waji kale oo cusub waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay Barcelona markale sare ugu soo qaaday waxaan la rumaysan karin oo soo laabasho u muuqday!!!.

DAQIIQADII 90 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL!! Barcelona ayaa heshay rekoodhe kadib markii uu Murquinhos qalad ku galay Suarez, waxaana kubabda qaatay Neymar JR wuxuuna kooxdiisa u keenay goolka shanaad ee aduunka ka yaabiyay kaas oo keenay in markale ay Barcelona u baahato kaliya inay hal gool si ay ugu soo baxdo sideed dhamaadka Champions leaque-ga isla markanaa ay taariikh cusub u abuurtay, waxayna ciyaartu noqotay 5:1 balse ay wali Barcelona banaanka kaga joogto Champions Leaque-ga. Waxaana ciyaarta lagu daray shan daqiiqo oo dheeri ah taas oo ahayd wixii ugu danbeeyay ee ay Barca gool ku raadin kartay.

DAQIIQADII 90+5 GOOOOOOOOOOOOOOOL!!! TAARIIIIIIIIIIIIIIIIIKH!!’ ”YES THEY CAN!!’ Qoraladii Camp Nou yaalay ayay ka mid ahayd ” YES WE CAN!!” Camp Nou ayaa ku dhawaaday in uu burburo isla markaana ay jamaahiirtu dhulka soo taabtaan kadib markii uu Sergi Roberto uu noqoday ciyaartoyda taariikhda aan waligeed la ilaawi doonin Camp Nou ka abuuray wuxuuna dhaliyay goolka wadnaha sagaal jeer hoos u gooyay PSG ee aduunka ku noqoday uqaadan waaga iyo mujisada aan la rumaysan karin waxayna PSG oo u muuqtay in ay ilbidhiqsi ka hor u soo baxayso Champions Leaque-ga ay markiiba ku dhaceen dhulka.

Waxayna ciyaartu noqotay 6:1 ay Barcleona si layaableh dhinaca kale ugu dhigtay natiijo xaqiiqdii u muuqday mid aan marnaba suurtogal ahayn, wuxuuna Camp Nou isku badalay goob waali ah iyo dareen aan qoraal lagu koobi karin balse ay taariikhdu xusi doonto inta ay aduunyadu taagan tahay.

Waxa ay ka qiimo badnayd koobka Champions leaque-ga oo lagu guulaysto marka oo eego dareenka iyo xamaasada ka dhacay Camp Nou waxayna aduunka tuseen in ay yihiin kooxda wali aduunka ugu fiican ee wax kasta samayn karta. Barcleona ayaa markii sideedaad oo xidhiidh ah u soo baxay wareega sideed dhamaadka Champions leaque-ga waxaana hubaal ah in muddo dheer ay saxaafada iyo dhegaha dad waynaha haysan doonto ka sheekaynta ciyaartani.

QAABKII MUCJISADA CAMP NOU KU DHACDAY:

3mins: Suarez 1-0 (agg 1-4)

40mins: Kurzawa (own goal) 2-0 (agg 2-4)

50mins: Messi (penalty) 3-0 (agg 3-4)

62mins: Cavani 3-1 (agg 3-5)

88min: Neymar 4-1 (agg 4-5)

90+1mins: Neymar (penalty) 5-1 (agg 5-5)

90+5min: Roberto 6-1 (agg 6-5)

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=55374

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj