Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 510 views

Jawaari oo khudbad culus u jeediyay guddi ka kooban Soomaali iyo ajnabi + Video

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad culus u jeediyay guddi isugu jira Soomaali iyo ajnabi, waxa uuna si gaar ah uga hadlay arrimaha siyaasadda, suurtagalnimada gudashada howlaha hor yaala xukuumadda cusub.

“Hadda hala xisaabiyo arrimaha loo baahan yahay in la qabto” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in iyadoo laga tusaale qaadanaayo Baarlamaankii 9aad laga baxo dhibaatadii ka timid doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag loona baahan yahay in dadka laga samata bixiyo xaaladda uu ku jiro.

Khudbadda Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u muuqatay mid uu uga siibanayo in dalka uu galo xaalad siyaasadeed iyo is qabqabsi, wuxuuna guddiga ka dalbaday inay ka soo talo bixiyaan mudada xukuumadda inuu ku filan yahay iyo inuusan ku filneyn.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=55452

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj