Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 282 views

Afhayeenka ciidamada Booliska Uganda oo lagu diley magaalada Kambala

Wararka ka imanaya dalka Uganda ayaa waxa ay sheegayaan in afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi ay saaka kooxo hubeysan ku dileen magaalada Kambala ee caasimada dalka Uganda.

Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday lagu furay rasaas, waxaana halkaas.ku geeriyooday dhamaan dadkii saarnaa gaariga.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, ciidamada amaanka wadankaas ayaa goobta xiray, iyadoo dowlada wadanka Uganda ay sheegtay in la baarayo dilka loo geystey afhayeenka ciidamada Booliska .

Mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka afhayeenka iyadoo uu yahay dilkan mid aan la fileyn.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56056

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj