Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 180 views

Guddoomiyihii Maxkamadda Kismaayo oo is casilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Maxamadda Magaalada Kismaayo uu ku dhawaaqay in uu iscasilay.

Gudoomiyaha iscasilay ayaa waxa lagu magacaabaa Sheekh Xasan Macalin Aadan, waxaana Sanadyadii lasoo dhaafay uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxtooyadda Jubbaland ayaa sheegay in Sababta uu isku casilay in ay tahay Mushaar la’aan soo wajahday.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu Cabasho xooggan uu ka muujiyay dhaqaalo xumo ka jirta Maxkamadda Magaalada Kismaayo.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56279

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj