Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 352 views

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Isbitaal kuyaala Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland .

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qarax 10-kii bishan gaarigiisa loogu xiray xili uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo Ehelada marxuunka ayaa wada dadaalo meydka Xildhibaanka loogu qaadayo deeganadaa Puntland si halkaasi loogu aaso.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan , Al Shabaab ayaana horey u dishay masuuliyiin iyo saraakiil kale oo katirsan Al Shabaab.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56304

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj