Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 174 views

Wariye lagu dhaawacay magaaladda Muqdisho

Mahad Maxamed Cabdiraxmaan “Mahad Mutawakil” oo ka mid ah wariyaasha u-shaqeeya Radio Shabelle, ayaa maanta ku dhaawacmay Israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay, xaafadda Tarbuunka ee degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

“Israsaaseynta, waxaa ay u dhexeysay ciidamada Guddoomiyaha Maamulka Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim iyo ciidamo kale. Wariyaha waxaa goobta uu ku wareystay Guddoomiyaha degmadda” sidaasi waxaa sheegay Idaacada uu u-shaqeeyo wariyaha.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo yeeray Maamulka degmadda Hodan iyo Masuuliyiinta kale ee dowladda.

Mahad Mutawakil, ayaa sanadihii dambe si fir-fircoon uga dhex-muuqday warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya.

Maalmihii dambe, kala shakiga ciidamadda dowladda ayaa kusoo badanayay magaaladda.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wada qorshe cusub , oo ay ku dooneyso in ciidanka Militray-ga dowladda looga saarayo magaaladda Muqdishu, si ciidamadda Police-ka iyo Nabadsugida ay ula wareegaan ammaanka magaaladda Muqdisho.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56306

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj