Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,596 views

Kaalintii Shisheeyaha ee Doorashadii Cabdirashiid iyo magacaabiddii Cigaal!

Sida ay muujinayaan qoraalada sirdooka Maraykanka, Cigaal wuxuu noqday Ra’iisul Wasaare 1967, asagoo maalgelin ka helay CIA, ujeedadu waxay ahayd in saameynta Maraykanka ee Geeska Afrika uu xoojiyo, khilaafka dhulka ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya iyo Kenyana uu si nabad ah uga tannaasulo.

8 bilood kaddib markii uu ku guuleystay xilka, March 14, 1968, Cigaal waxaa Whitehouse-ka ku casuumay madaxweyne ku xigeenkii Maraykanka Hubert Humphrey, waxaana sidoo kale qaabilay Madaxweynihii Maraykanka xilligaaas Lyndon Johnson.

Sida ay muujinayaan qoraalada, Cigaal isla markii wuxuu Itoobiya u bandhigay inuu wada hadal ka galayo dhul sheegadka “Irrendentism”, isla markaanna uu rabo xasilooni “detente”. Sida qoraalka ku qoran, Cigaal markiiba laba arrimood ayaa qabsaday:

1-Itoobiya kama soo jawaabin codsigiisa illaa bishii August 1968.
2- Ciidanka Soomaaliya oo uu hoggaamiyay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre ayaa diidmo muujiyay, shacabkana ka horkeennay ayagoo ku eedeynaya in Itoobiya ay tannaasulkiisa weji gabax iyo xaqiraad kala kulmay.

September 1, 1968 Cigaal markii uu ugu dambeyn casuumaad ka helay Itoobiya, Haile Sellasie wuxuu u balan qaaday in shacabka Soomaali Galbeed laga deynayo xukunka degdegga ah iyo cabburinta. Waxay ahayd oo keliya arrin afka laga yiri, bilo kaddib Novermber, ciidanka Itoobiyaanka shacab ayay laayeen, December, 1968 dowladda Itoobiya waxay Soomaalidii xoolalayda ahayd ku soo rogtay canshuur, Maraykanka wuu ka carooraday ballan ka baxa Itoobiya, CIA waxay ku tilmaantay mas’uuliyad darro “irresponsible actions”.

CIA waxay ka digtay laba arrimood:
1- In Jeneraal Siyaad Barre uu ku jiro howl gal uu kaga faa’ideysanayo fashilka Cigaal, asagoo isku dhac ka abuuraya xudduuda.
2- in doorashada baarlamaanka ee dhici doonta darteed siyaasiyiin ay arrinkaan ka faa’ideystaan.

Sida ay qoraalada muujinayaan, maamulkii Md.Aadan Cabdulle Cusmaan (AUN) wuxuu xiriir la lahaa midowga Soviet-ka. In kastoo uu Maraykanku danno ka dhex arkayay juqraafi ahaan goobta ay Soomaali ku taallo, xeebaheeda iyo muranka dhuleed ee Soomaaliya kala dhexeeyay Itoobiya iyo Kenya, haddana Maraykanka wuu ka dambeeyay Soviet-ka. Kaalmada ay dowladda Soomaaliya ka helaysay Soviet-ka waxay dhalisay wax uusan Maraykanku jecleysan.

1-In madaxda Soomaaliya ay booqdaan xarumaha xulufada Soviet-ka, xiriirna uu dhex maro.
2- In sirdoonka Soviet-ka ay warbaahinta Soomaaliya ku qortaan dacaayado Maraykanka ka dhan ah.

Maraykanka wuxuu 1963 go’aan ku gaaray in Soomaaliya uu kaalin xoog leh ku yeesho. Waxay Aadan Cadde ugu yabooheen hub casri ah, balse shuruud waxay uga dhigeen in dhammaan xiriirada dowladaha kale la jaro, Aadan Cadde iyo maamulkiisa way diideen, Maraykan-kana wuu ka carooday. Sida ku xusan qoraalka CIA wuxuu Maraykanku go’aansaday in Cigaal oo ay aaminsanaayeen inuu “Pro-Western” yahay, ay CIA si sir ah ku maal geliso sidii uu ku noqon lahaa ra’iisul wasaare.

Markii ay billaabatay maalgelinta, Cigaal howsha ayuu bilaabay, wuxuu 1964-kii ka baxay xisbigii uu aasaasay, wuxuuna ku biiray xisbigii awoodda badnaa ee SYL, oo sida Roger Morris oo ahaa xubin ka mid ah golaha ammaanka qaranka maraykanka, sidoo kalena ahaa kaaliyaha wasiirkii arimaha dibada ee waqtigaas Dean Acheson uu ku qoray qoraalka CIA, in ay xubnaha SYL kummanaan doollar lagu laaluushey si ay u taageeraan magacaabiddiisa.

Markii uu Cigaal noqday Ra’iisul Wasaare, marka laga reebo xubno yar ee baarlamaanka ka tirsanaa, qofka keliya ee ka soo horjeeday siyaasadihiisa sida lagu sheegay qoraalka CIA wuxuu ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, sida ay u dhigeenna waxay u muuqataa kala faa’ideysi siyaasadeed.

June 10, 1967 ayaa la doortay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Qoraal ay CIA qortay oo aan lifaaqa ku soo daray oo soo baxay June 12, 1967, wuxuu muujinayaa in Maraykan-ka uu shaki badan ka qabo Md. Cabdirashiid Sharmaarke, ayagoo aaminsan in ay ololihiisa maal geliyeen Masar, Soviet-ka iyo Shiinaha. Balse sida qoraalka ku qoran, waxay qirayaa in uu Cigaal magacaabi doonno, ayagoo la dhacsan, qoraalka intiisa kale waa tirtiran yahay, ma laha qaabka ay ku soo saari doonnaan ayay kaga hadlayaan.

Marka la dilay Cabdirashiid, illaa uu inqilaabka ka dhacayay October 21, 1969, Cigaal wuxuu ku maqnaa Maraykanka. Markii uu soo laabtay, Jeneraal Siyaad Barre wuxuu u xiray musuqumaasuq.

Labo arrimood ayaa baaritaankaan aan sameeyay iiga baxay:

1- In Soomaaliya aan marnaba noqon dal siyaasaddiisa u madax bannaan, madax sharaf leh oo aan danno shisheeye ku xirneyna ay yar tahay.

2- In inqilaabka ay ciidamadu ku kaceen, uusan fikirkiisu dhalan dilka Cabdirashiid kaddib, balse uu ka horeeyay salkana ku hayay khilaaf u dhaxeeya hoggaanka ciidanka iyo hoggaanka Siyaasadda.

Cigaal iyo Cabdirashiid waxay ku guuleysteen in ay is fahan Xudduudaha la saxiixdaan Kenya 1967, balse midda Itoobiya waqti uma helin. Jeneraal Siyaad Barre heshiiska Kenya markii dambe wuu laalay.

Ma laha “bad ayay gateen, Itoobiyaan baa wata, iyo Imaaraat ayaa maalgeliyay” dadka lagu ceebeynayay, wax ceeb ah ma samayn mar haddii halyeeyadii aan u heesi jirnay ay sidaas u dhaqmayeen.

Sheekada weligeed ayay socotay…

Qoraalkii Hassan Adan Hosow

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56316

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj