Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 147 views

Kenya oo beenisay in Khilaaf Diblumaasiyaadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya

Madaxtooyadda Dowladda Kenya ayaa beenisay in khilaaf diblumaasiyadeed uu soo kala dhex galay Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya, kadib markii Madaxweyne Kenyatta uu booqasho aan la shaacin ku gaaray Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Madaxtooyadda Dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in murun diblumaasiyadeed uu ka dhashay booqashadii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku tagay Gobolka Jubbada Hoose.

“Waa wax iska caadi ah in Madaxweyne Kenyatta uu booqdo Xarumo Ciidamadiisa ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Soomaaliya, waana mid marwaliba la sameyn karo”, sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Dalkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in booqashada Madaxweynaha ay aheyd mid dhiiri gelin loogu sameynayay Ciidamada Kenya ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Xukuumadda Nairobi ayaa markale ku celisay in aysan Ciidamadooda kala soo bixi doonin Dalka Soomaaliya, ilaa laga adkaado Xarakada Al Shabaab.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56354

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj