Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 163 views

Weerar Bam gacmeed xalay lagu weeraray guriga nabadoon caan ka ahaa magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar aya sheegaya in Bam gacmeed lagu weeraray xalay fiidkii guriga uu magaalada Jowhar ka dagan yahay nabadoon Sheekh Muuse oo ka mid ah nabadoonada caanka ka ah Magaaladaasi.
Bamgacmeedka ayaa keenay dhimashada hal ruux iyo dhawaaca ruux kale oo ka tirsanaa ilaalada Nabadoonka la weeraray , waxaana marxuumka xalay geeriyooday saakay lagu aasayaa magaalada Jowhar.
Dhanka kale Weerarka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamadda ammaanka iyagoo howlgalo halkaas ka fuliyey mana jirin cid loo soo qabtay weerarka lagu qaaday Nabadoonka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56362

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj