Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 495 views

Daawo: Faahfaahin laga bixiyay heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carab ee saldhigga Dekedda Berbera

Magaalada Dubai ee caasimadda dalka Imaaraadka Carabta waxaa ka dhacay maalintii Sabtida heshiis dhex maray wafdi ka socda Dowladda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo si rasmi ah qalinka ugu wada duugeen wakiilada labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiska ay la galeen Imaaraadka Carabta inay saldhig Milateri ka sameystaan dekedda Berbera, isagoona sheegay in heshiiskaasi dhinacooda ay ugu jirto faa’iidooyin dhowr ah.

“Somaliland waa dal madax bannaan oo dimoqoraadi ah, wuxuuna u madax bannaan yahay inuu heshiisyo la geli karo shirkado iyo dowladaha caalamka” ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire oo meesha ka saaray inay hoos tagaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxaa kale oo uu sheegay in heshiiskaan ay ka mid tahay mashaariic laga hirgelinayo magaalada Berbera, sida in Imaaraadka Carabta ay dhisayaan garoon diyaaradeed laga hirgelinayo magaalada Berbera.

Dhismaha waddo 250km ah una dhaxeysa Berbera iyo Wajaale iyo mashaariic kale, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta uu soconayo muddo 25-sano ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56391

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj