Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 346 views

Gargaar loogu talo galay dad ay abaaraha saameeyeen oo la masuqmaasuqay

Wararka naga soo gaaraya degmada Rage Celle ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Shaqsiyaad gaar ah jeebkooda ay ku dhacday lacag loogu talo galay dadka ku nool degmada Raage ceelle iyo Tuulooyinka hoostaga.

Deeq lacageed ayaa shalay la soo gaarsiiyay Degmada Raage Celle, waxaana gudiga Gurmadka abaaraha ku wareejeeyeen Guddoomiyaha degmada Raagaceelle Yuusuf Beledgube, waxaana lagu eedeynayaa inuu isagu jeebka ku shubtay.

Wararka ayaa sheegaya in Yuusuf Beled Gube uu u sheegay qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha degmada Raagaceelle in lacagtaasi uu ku sameynayo biyo dhaamin qoysaska ay heysato xaaladda biyo la’aanta ah.

Dhinaca kale bulshada ku dhaqan degmada Raagaceelle ayaa ku eedeeyay Yuusuf Baladgube waxqabad la’aan, isagoo muddo sanooyin ah aan tegin halkaasi xilli shacabka ku dhaqan degmadaasi Raagaceelle ay heystaan duruufo aad u liita.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56424

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj