Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 317 views

MA WAXAAN DOORANNAA DAWLADNIMO SHARAF LEH MISE WAXAAN QAADAANAA KU DANEYSI IYO DULLINIMO QABYAALADEED?

Horaa loo yiri Dawladnimo iyo qabyaaladi meel ma wada galaan! Qof kasta oo soomaali sheegtaa wuxuu afkiisa ka qiraayaa, in qabyaaladdu tahay sababta keentay, horumar la’aanta ummadda soomaaliyeed, haddana waa la jaal oo qalbigiisa kama baxdo qabyaaladdu, kumana kalsoona maamulka sharafta leh ee DAWLADNIMO,isagoo isla markaa u arkaya intaan qabiilkiisa ku abtirsan, cadawga ugu weyn, oo ay tahay inuu iska ilaaliyo!! Caruurta yaryarka ah waalidiintoodu, waxay uga sheekeeyaan dagaallo waayo hore dhacay oo u dhexeeyey reer guuraa baad iyo biyo ku diriray ,meesha ay ahayd iney maanta, carurtooda ku ababiyaan wada noolaansha wanaagsan ee caruurta kale oo dariskooda ah,iyo jeceyka Dalkooda, calankooda iyo ku dadaalalidda waxbarashada iyo xurmeynta dadka ka waaweyn iyo u naxariisashada dadka maatada ah kuwaasoo u baahan naxariis iyo kalgacal in loo fidiyo.

Waxaan goobjoog ahaa in laba nin oo soomaali ahi iyo will yar oo la socdey ay soo galeen meel dad badani ku qaxweynayeen oo markaas inteeyan fariisanba ay isweydiiyeen qolo kale oo miis xoogaa ka foogaa ka buuqeysey.

Kii Su’aasha la weydiiyey ayaa ku jawaabey in kuwa buuqayaa ka soo jeedaan qabiilkii diley awowgood hebel oo misana ku daray “Kuwaas waa necbahay waayo awowgeen beey dileen mar laga joogo sanooyin hore.”Inta sheekadaasi socotey, wiilkii yarka ahaa oo arrinta dhegta u raaricinayey ayaa yiri “ Oo aabe,waa maxay sababta loo diley Awoowe?

Odagii wuxuu ku jawaabey, geel uu watey ayey ku dileen” Wiilkii yaraa, mar kale ayuu aabihiis weydiiyey “ oo Aabe geela yaa lahaa?.” Odagii arrintaas kama jawaabin,asagoo u arkayey su’aal caruureed, mana uu rabin inuu yiraahdo awoowe geela ma lahayne wuu soo dhacay.”

Wiilka yari sheekadan wuxuu la wadaagi doonaa caruurta walaalahiis ah oo dhan iyo caruurta kale ooy wada cayaaraan,isla markaasna wuxuu u qaadi doonaa qabiilka diley awoowga aabihiis naceeb, arrintaasoo maskaxdiisa curdanka ah ku reeebi doonta haar aan ka fuqin iyo xusuus joogto ah.

Aan u soo noqdo kala doorashada Dawladnimo sharaf leh iyo qabyaaladda aan soo aragnay dhibaatadeeda iyo xumaanteeda ilaa maalintii soomaali Allaaha weyni adduunkiisa ku abuuray.

Waxaa xaqiiqo ah in Ummadda soomaaliyeed badankeedu ay weli u riyaaqayaan qabyaaladda, iyadoo qabiilkastaaba, u tafaxeydanayo sidii mid iyaga ka mid ah loo siin laahaa mansab sare ee Dawladeed xataa hadduusan qofkaasi istaahilin, inuu qabto mansabkaas qabiilkiisu la doonayo! Ma diidani in Dawladdu la tashato qeybaha kala duwan ee shicibkeeda oo taasi waa wax u roon Dalka iyo dadkaba, laakin arrintu markey noqoto gaw maleh, haddaan la yeelin saan rabo, taa weeye waxa u baahan inaan leysla gaarin oo misana aan ka mid ahayn habka maamulka DAWLADNIMO!!

Kuwa sidaa ku shaqeynayaa waa kuwo doonaya danahooda gaarka ah. Arrintaas iyo kuwo kaloo badani waxay na tuseyaan, in kuwo badan oo qas wadayaal ihi ay weli, nagu dhex jiraan, kuwaasoo aan dan ka laheyn dad iyo Dawladnimo toona!!

TAARIIKH GAABAN EE KU SAABSAN LA DAGAALLANKA QABYAALADDA.

Xisbigii weynaa ee SYL ayaa la galay dagaal dheer qabyaaladda xun, oon wax anfac ah u lahayn Ummadda soomaaliyeed taariihkdu markey ahayd 1943 oo ahayd asaaskii xisbigaas. Waxaan dhihi karaa ilaa xad xisbigaasi inuu ku guuleystey arrintaas. Taa waxaa ku xigey Dawladnimadeennii oo dib u soo nooleysay qabiilkii, ilaa doorashadii 1967 dal ahaan qabiilkastaaba la soo shir tegey hal xisbi,taasoo baabi’isay wixii la soo qabtay oo dhan. Siddeetan xisbi ayaa doorashadii lagu galay!

Markii labaad(1971dii) oo kacaankii isku deyey inuu ciribtiro qabyaalada isna kuma guuleysan oo waxaaba la orankaraa arrintiiba faraha ayey ka sii baxday.Walaalayaal, waxaan idiin sheegayaa in qabyaaladdu ay tahay arrin aan la wadaagno shayaadiinta ,maadaama shayaadiintuba ay leeyihiin sideenoo kale qabaa’il kala duwan!! Qabyaaladda oo la ciribtiraa wax sahlan maaha, laakin in dhibaatooyinkeeda la yareeyo waa lagamamaarmaan, waana in dhallinyarada soomaaliyeed ku baraarugtaa sidey uga takhallusi lahaayeen.

Ugu danbeyn, waxaan jeclaan lahaa inaan walaalahayga soomaaliyeed la wadaago, dhowr arrimood oo aan isleeyahay waxbey tarayaan haddii lagu dhaqaaqo, kuwaasoo kala ah kuwa soo socda:

1- inaan ummad ahaan u hiillino dawladnimadaeenna,annagoo ka fogaaneyna qabyaaladda, oo asal u ah kala fogeynta iyo horumar la’aanta ummadda soomaaliyeed.

2- Wacyigelinta Dadweynaha
a) In Dawladdu u soo jeesato wacyigelinta Dadweynaheeda,iyadoo qofka maanta jirsadey soddonka sano,uusanba garaneyn habka iyo maamul Dawladnimo.
b) In nabad lagu wada noolaado, leysna cafiyo,horumarka dalkana laga wada shaqeeyo ayey ku jirtaa danteennu.

3- In farta lagu fiiqo, dadka u go’ay ku shaqeysiga xun ee qabyaaladda iyo iska horkeenka dadweynaha soomaaliyeed, iyo in la joojiyo buunbuuninta waxay ku hadlaan kuwa la ogyahay iney horay dunuub uga galeen Ummadda soomaaliyeed.

Maqaalkan,waxaa soo diyaariyey,
Dr. C. AXMED GARAANI
Taariihk, MAARSO, 2017

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56428

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj